Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Madaxweynaha la doortay ee JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud oo si rasmi ah xilka ugula wareegay Madaxweynihii hore ee JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.













