Deeq ka timid shacabka ku nool Xamar oo lagu Wareejiyay Ciidamada Xasilinta Caasimadda: SAWIRRO

0
305

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Jimcaale (Madaale) ayaa maanta taakulo shacabka Muqdisho ay iska soo ururiywwn ku wareejiyay ciidanka xasilinta Caasimadda, kuwaasoo lagu ammaanay kaalinta ay ka qaateen sugidda amniga Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay maadaama ciidamada xasilintu ay yihiin kuwo aan hal meel dagganayn ay shacabku garteen inay ku taakuleeyaan agabka ku wanaagsan in lala guurguuro, kuwaasoo ay ka mid yihiin bustayaal iyo teendhooyin.

Dhankooda saraakiishii deeqdan ka timid shacabka Muqdisho la wareegay ayaa ka mahadceliyay kaalinta bulshada ku nool Caasimadda ay garab-istaagga ciidanka oo har iyi habeen ka shaqeeya sidii dadka ku nool Muqdisho ay amni la isku halleyn karo u dareemi lahaayeen, iyagoo xusay inay hawlgallada amniga xoojin doonaan.

Ugu dambeyn, Ciidamada Xaailinta ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa la gaarsiiyay taakuleyn kala duwan oo uga kala imaanaysay shacabka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo xoolo nool ay ka mid ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here