Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galaya Shirweyne looga Hadlayo Maareynta Gargaarka oo ka furmaya Kismaayo: SAWIRRO

0
429

Wafdi uu qayb ka yahay agaasinka waaxda samafalka iyo maareynta musiibooyinka ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Muxyadiin Maxamed Oogle ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, halkaas oo uu ka furmayo shirka hay’adaha samafalka iyo hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa wafdigan hoggaaminaya, waxaana ka mid ah; wasiirradda gargaarka dowlad-gboleedyada kala ah; Hirshabelle iyo Galmudug iyo xubno kale.

Shirweynaha ka furmaya Kismaayo Isniinta berri ah ayaa looga hadlayaa maamreynta Gargaarka la siiyo Soomaaliya, waxaana xubnaha ka qaybgalaya ka mid ah; Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax axmed Jaamac, waxaa kaloo goobjoogayaal ka noqonaya xubno ka socda hay’adaha gar-gaarka iyo beesha caalamka.

Ugu dambwyn, Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland, Mudane Axmed Xasan Cumar ayaa kusoo dhaweeyay wafdigan garoonka magaalada Kismaayo ee xaeunta Jubbaland, waxaana lagu wadaa in shirka marka lasoo xiro ay kasoo bixi doonaa qodobbo wax ku ool ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here