Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kordhiyay xaquuqdii ay horay u qaadan jireen hawl-wadeennada waaxda Nadaafada ee Dowladda Hoose Xamar, kaddib kulan gaar ah oo uu la qaatay shaqaalaha nadaafadd.
Sidoo kale, Guddoomiye Madaale ayaa warbixin la xariirta daruufaha kala duwan oo ay ku shaqeeyan iyo baahiyaha taagan ka dhageestay hawl-wadeennada waaxda Nadaafada, isagoo kula dardaarmay in si hufan oo daacadnimo ku jirta ay u sii xoojiyaan horumarinta bilicda magaalada Muqdisho.




































