Agaasimayaashii uu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilalkii loo kala Wareejiyay:  SAWIRRO

0
249

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay qaar ka mid ah agaasime waaxyadii xalay uu magaacabay guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Agaasimaha cusub ee waaxda suuqyada dowladda hoose ee Xamar, mudane Nuur Xuseen Xasan ayaa xilka kala wareegay mudane Maxamed Cabdi Cujub, agaasimaha cusub ee waaxda canshuuraha mudane Cabdirashiid Maxamed Xuseen ayaa isna xilka kala wareegay agaasimihii hore ee waaxdaas, marwo Sowda Xuseen Suudi.

Dhanka kale, Basiima Ilyaas Muuse oo loo magacaabay agaasimaha waaxda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee gobolka Banaadir ayaa xilka kala wareegtay, mudane Mustaf Maxamed Macallin iyo mudane Cabdiqani Axmed Xasan.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa agaasimayaasha cusub kula dardaarmay in ay bulshada ugu shaqeeyaan si mas’uuliyad ku jirto, isaga oo mas’uuliyiinta xilalka wareejiyayna u rajeeyay horumarro kale.

AKHRISO MAGACAABISTII AGAASIMAYAASHA XILALKA LA WAREEGAY:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here