Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa munaasabad kooban oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo waxa ay xarigga uga jareen xarun cusub oo hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda ay ka dhisatay xarunta Jubbaland ee Kismaayo.
Mudane Axmed Madoobe ayaa tilmaamay ahmiyada xaruntaan cusub ay u leedahay shacabka reer Jubbaland, isaga oo xusay in baahi weyn loo qabay, ayna shacabka ku nool Jubbaland adeegyada ay u baahan yihiin ay ka heli doonaan, maadama ay Jubbaland xuduud dheer la leenahay waddmada Kenya iyo Itoobiya, xaruntanna ay qayb weyn ka qaadanayso isku socodka bulshada.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jubbaland waxa uu sheegay in dhawaan la furi doono xuduudda ay Soomaaliya la leedahay dalka Kenya, taas oo shaqada hay’addan wax badan kusoo kordhinaysa muhiimna u ah isku socodka bulshooyinka labada dhinac.
Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaa ku wargeliyay masuuliyiinta hay’adda in looga baahan yahay in adeegyada ay bixinayaan ay shacabka u fududeeyaan, lana raaco sharciyada iyo hannaanka shaqada.















