Degmooyin Cusub oo ku soo biiray Degmooyinka Gobolka Banaadir kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha JFS

0
101

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu shaaciyay in loo aqoosaday degmooyin buuxa; Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley, kuwaas oo horay u ahaa deegaanno.

Degmooyinkan cusub ayaa waxay horay u ahaayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Banaadir, balse wixii hadda ka dambeeya waxa ay noqonayaan degmooyin rasmi ah, taas oo degmooyinka Caasimadda ka dhigaya 20-degmo, halkii ay 17-degmo ka ahaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bayaanka uu soo saaray ku sheegay in magacaabida degmooyinka ay daba-socdo codsi uu horay u gudbiyay Duqa Caasimadda dalka, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), taasoo ku codsaday in saddexda deegaan loo bedelo degmooyin maadaama ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa inay degmooyin ku noqdaan.

Ugu dambeyn, Wareegtada ayaa lagu xusay in xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaalla loo cuskaday in degmooyin cusub loo magacaabo; Garasbaaley, Gubadley iyo Daarusaalam, waxaana magacaabidan soo dhaweeyay maamullada iyo shacabka ku nool degmooyinkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here