SAWIRRO: Agaasimaha Caafimaadka G/Banaadir oo Madaxa Hay’adda UNICEF ee Somalia kala hadlay wada-shaqeyta ka dhexeysa

0
357

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa maanta la kulmay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Wafaa Saeed.

Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, sidii loo tayeyn lahaa xarumaha bixiya adeegga caafimaafka.

Agaasime, Dr. Cabdiraxmaan ayaa Wafaa Saeed iyo Hay’adda UNICEF kaga mahad-celiyay shaqada wanaagsan oo ay hayaan iyo sida ay u garab-taagan yihiin shacabka ku nool Caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Wakiilka Hay’adda Unicef ee Somalia Wafaa saeed, ayaa sheegtay in ay xoojin doonaan sidii kaalin ay uga qaadan lahayeen tayeynta caafimaadka gobolka Banaadir, waxa ayna ballan-qaaday inay xoojinayaan la shaqeynta agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here