Hey’adda qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobe ee UNHCR waxay sheegtay in sanadkii naga idlaaday ee 2020 oo ay dad badan qaxooti noqdeen sababo la xiriira colaado iyo barakicin xoog ah .
Waxaa UNHCR ay ku qiyaastay dadka qaxootiga noqday ilaa 80 malyuun oo qof .
UNCHR waxay sheegtay in ay jiraan wadamo si deeqsinimo leh u qaabilay qaxootiga kuwaas oo ay uga mahadcelinyeso.
Wadaman ayeey sheegtay in dadka qaxootiga ay dareemaan nabad galyo iyo wel wel la,aan
Wadamada lagu amaanay doorka ay ka qaateen qaabilaada qaxootiga ayaa waxaa ay kala yihiin
πΉπ· Turkey
π¨π΄ Columbia
π΅π° Pakistan
πΊπ¬ Uganda
π©πͺ Germany
Dalka Turkiga oo qaabilay qaxootiga uga badan kuwaas oo ka yimi dalka ay jaarka yihiin ee Suuriya ayaa waxaa uu magangalyo siiyay 3.6 malyuun oo qof .
Dalka Colombia waxaa uu magan galyo siiyay 1.8 malyuun oo qof.
Pakistan waxay qaabishay 1.4 malyuun oo qof
Dalka ku yaala bariga afrika ee Uganda ayaa qaabilay 1.4 malyuun waana dalka kaliya ee ku yaala afrika ee soo galay liiska wadamada deeqsiga ku ah magan galyada qaxootiga.
Dalka Jarmalka ee qaraada Yurub ayaa qaabilay 1.1 malyuun oo qaxooti ah.













