Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Hay’adda ee Dhuusamarreeb, taasoo noqon doonta mid laga maamulo xarummo kala duwan oo ku yaalla deeggaannada Dowladda Galmudug.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xafiiskaan uu muhiimad weyn u leeyahay dadka reer Galmudug, ayna dadaal badan u galeen sideen dadku iyagoo magaalooyinkooda jooga ay u heli lahaayeen adeegga ay bixiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Ugu dambeyn, Dhawaan ayay ahayd markii xarigga laga jaray xarunta socdaalka iyo jinsiyadaha Jubbaland oo laga hirgeliyay magaalada Kismaayo, waxaana tani ay qayb ka tahay ballaarinta xaruntaan si ay shacabka ugu fududaato adeegyada ay qabato.


























































