Weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa ogolaaday inuu u dhaqaaqo kooxda heysata horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich, kaddib markii ay labada kooxood gaareen heshiis hordhac ah oo ku aaddan saxiixiisa, wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ayaa warka daabacay Jimcaha maanta ah.
Haddii la dhamaystiro, in Kane uu ku biiro Munich waxa ay noqon doontaa kala iibsiga ugu qaalisan taariikhda Bundesliga, iyada oo lagu iibinayo lacag 100 milyan oo EURI ah.
Kooxda reer Tottenham iyo Bayern ayaa lagu soo waramayaa in ay ku heshiiyeen in Khamiistii uu wareego laacibkan, laakiinse waxay u baahdeen ogolaanshaha Kane oo sanad uu uga harsan yahay qandaraaska Tottenham. Labada kooxood midkoodna kama hadlin arrintan illaa hadda.
Wargeyska Bild, oo ilo wareedyo kale soo xiganaya ayaa sheegay in laacibku uu ogolaaday heshiiska xilli habeen ah, waxaana la filayaa inuu qandaraas afar sano ah u saxiixo kooxda Bayern Munich.
Munich oo ku guuleystay horyaalka dalka Jarmalla markeedii 11-aad oo xiriir ah, ayaa si aad ah u doonaysa in Harry Kane uu kusoo biiro, iyagoo raadinaya inay xoojiyaan awoodooda weerarka iyo inay mar kale ay u dagaalamaan hanashada koobka Champions League.
Harry Kane wuxuu ku biiray akadeemiyada Tottenham isaga oo 11 jir ah, ka hor inta uuna kulankiisii ugu horeeyay u ciyaarin 2011-kii. Waxa uu inta badan waayihiisa ciyaareed ku soo qaatay kooxda ka dhisan waqooyiga London, laakiin waxa uu amaah ku soo qaatay Leyton Orient, Millwall, Norwich City iyo Leicester City.
Kane ayaa kooxdiisa Spurs u dhaliyay 280 gool in ka badan 430 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan, iyo 58 jeer oo uu u dhaliyay qarankiisa 84 kulan oo uu saftay, taas oo ka dhigaysa xiddigii ugu fiicnaa abid.
Sidoo kale, waa gooldhaliyaha labaad ee ugu sarreeya horyaalka Premier League-ga isagoo dhaliyay 213 gool – 47 gool ayuu ka hooseeyaa Alan Shearer.
Ugu dambeyn, Kooxda Bayern Munich ayaa Sabtida koobka German Super waxa ay la ciyaarayaan RB Leipzig. Iyadoo isla toddobaadka soo socda uu billaabanayo Bundesliga, waxa ayna Bayern wajihaysaa kooxda Werder Bremen 18-ka Agoosto.