Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo lagu magacaabay 10 safiir oo Soomaaliya u joogi doona waddamada caalamka qarkood: SAWIRRO

0
437

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo dalkeenna uga hawlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka dublumaasiyadeed.

Safiirrada la magacaabay waxay kala yihiin:

1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Fara-badane)
2. Cabdulllaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
3. Cali Cabdi Awaare
4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
5. Bashiir Xasan Xaaji
6. Fathudin Cali Maxamed
7. Xuseen Cabdi Xalane
8. Khadiija Cosoble Cali
9. Khadra A. Dualle
10. Ridwan Xirsi Maxamed

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

Ugu dambeyn, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here