Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Ciraaq Muxsin Al-Mandalawi: SAWIRRO

0
259

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ku guda jira booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Baqdaad, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Ciraaq, Mudane Muxsin Al-Mandalawi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo guddoomiyaha ayaa si guud uga wadahadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada waddan iyo sidii ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay u cusbooneysiin lahaayeen iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhaxeyn jiray labada dowladood iyo shacab.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyay guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada amniga iyo dagaalka Khawaarijta, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo diblomaasiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here