Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay inay ka fikirayaan sidii ay magaalada Muqdisho buundooyin ugu sameyn lahayn, isla markaana aan dib u dhisno biyo-mareennadii iyo laamiyada.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan ay billaabeen dhismayaasha buundooyin yar-yar, si ah ardayda marka ay iskuullada kasoo baxaan oo waddooyinka ay goyn waayeen ay u mataan, si aysan gaadiidka dhibaato uga soo gaarin.
“Waxaan ku fikiraynaa in Muqdisho aan u sameynno buundooyin si ay caalamka ula jaan-qaaddo,” ayuu yiri Guddoomiye Yuusuf Madaale oo ka wajaabayay su’aal lagu weydiiyay kulan dood-wadaag ahaa oo Muqdisho lagu qabtay.
Sidoo kale, Duqa Caasimadda ayaa xusay in hawlahooda ugu badan ay ka qaban doonaan biyo-mareennada Caasimadda si loo yareeyo biyaha roobka ee waddooyinka fariista ama dhibaatooyinka geysta.
Dhanka kale, Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in mashruucii uu ku dhawaaqay muddo-xileedkiisii hore ee ahaa ‘dalkaaga hal doollar ku dhiso’ uu hirgalay, isaga oo sidii hore ka naash-naasha ay dhawaan billabi doonaan.
Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho oo jawaab ka bixiyaya su’aal ahayd: ‘Maxay shacabka Muqdisho muddo xileedkaagan?’ ayaa sheegay in shacabka caasimadda ay ku taageereen la-dagaalanka maandooriyaha oo halis aad u weyn ku ah dhallinyarada Soomaaliyeed.













