Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Dowladda Goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa garoonka diyaaradaha Dhuusa-mareeb kusoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Ujeedka socdaalka Duqa Mudane Yuusuf Madaale ayaa ah ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda DFS, kuwa Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu wado inuu ku qabsoomo Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug.
Ugu dambeyn, Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa guddoomiyaha iyo wafdigiisa ku sagootiyay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).































