Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudanr Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay kulanka guddi hoosaadka golaha wasiiradda ee tiirka amniga Qaran oo lagu soo bandhigay qodobo muhiim u ah oo la xiriira xoreynta iyo xasillinta dalka, cuna-qabaynta hubka iyo qorshaha dhimista ciidanka ATMIS.
Kulankan waxaa shir- guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira hawlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah.
Kulanka ayaa lagu gorfeeyey qabyo-qoraalka heshiiska mamnuucista tijaabinta hubka halista ah ee Nukleerka iyo Xeerka Amniga Hoteellada, Goobaha Ganacsiga iyo xarumaha adeegga bulshada.
Ugu dambeyn, Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qorshaha dhimista Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, warbixin la xiriirta halka uu marayo qaadista cuna-qabataynta hubka iyo qoondeynta Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Maamul Goboleedyada, gaar ahaan ciidamada amniga ee la geynayo deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.


















