Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Somalia, Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan dalka Isutagga Imaaraatka Carab ayaa ka qayb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee hay’addaha Maaliyadda waddamada Carabta, qaybta horumarinta dhaqaalaha wareeggiisii 8-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Mudane Biixi Cige oo furitaankii shirka ka jeediyay khudbad kooban ayaa la wadaagay hay’adaha maaliyadda Carabta, wasiirrada maaliyadda dalalka Carbeed iyo madaxda IMF arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda iyo guulihii dowladda federaalka Somalia ay ka gaartay qorshihii deyn cafinta ee dhammaadka sanadkii la soo dhaafay.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay caqabadaha iyo samaynta dhanka dhaqaalaha ay ku yeelatay arrinta ka taagan Badda Cas oo bilihii u dambeeyay marakiibta isaga kala goosha caalamka ay weerarro kala kulmeen.
Ugu dambeyn, Shirkan ayaa waxaa hadal ka jeedisay Kristalina Georgieva oo ah madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF, waxa ay dalalka Carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaanka ka soo kabashada aafooyinka, iyada oo fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya.















