Ku-simaha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Garoowe: MUUQAAL

0
292

Guddoomiyaha baarlamaanka JFS ahna ku simaha madaxweynaha mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe.

Guddoomiye Madoobe ayaa sheegay in dagaalku uusan xal u ahayn khilaafka siyaasadeed, waxaana uu waxgaradka Puntland oo ay ugu horreeyaan odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aaddan daminta colaada, lagana shaqeeyo xasiloonida deegaanka oo ay caan ku yihiin dadka reer Puntland.

Sidoo kale, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa dhinacyada ku boorriyay in wax kasta oo keeni kara kala aragti duwanaansho siyaasadeed lagu xaliyo miiska wada-hadalka, iyadoo la dhowraayo nabada isla-markaana aan la barakicin shacabka, isagoona Alle uga baryay intii ku dhimatay inuu naxriistiisa janno ka waraabiyo inta ku dhaawacantayna Eebbe caafimaad deg deg ah siiyo.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday iskudhacyadii nasiib darrada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobolleedka Puntland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka.

“Waa dagaal nasiib darro ah, waa dagaal micno darro ah oo ay ku dhinanayaan dad Ehel ah labada dhinacba, sidaas darteed waxaan ku baaqayaa si deg deg ah in loo joojiyo” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamse.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku baaqay in waxyaabaha lagu kala duwanyahay ee ku aadan nidaamka dowladeed ee Puntland in lagu xaliyo jidka wada hadalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here