Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa magaalada Dhuusemareeb ee Dowlad-goboleedka Galmudug uga qayb-galaya shirka u dhaxeeya Wasaarada Waxbarsha XFS, kuwa Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.
Shirkan oo ay si wadajir ah u fureen Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa waxaa diirada lagu saaraya xaalada guud ee waxbarshada dalka iyo wax yaabaha hortabinta u leh Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, shirka ayaa loogu hadlayaa Qorshaha howlgalinta 3,000 Macalimiin oo ay dhawaan qaadatay Wasaarada Waxbarashada, xogta waxbarshada dalka, qorshaha xasilinta deeganada laga xoreeyay khawaarijta ee dhanka waxbarashada, ololaha Aqriska iyo qoraalka iyo Manhaj-ka Qaranka.
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir u diyaarsan yahay qorshaha horumarinta Waxbarashada dalka, asigoo ka faa’ideysanaya Macalimiinta 1,000 ee dhawaan tababarka loo furay, si fursad waxbarasho oo tayo leh u helaan unadka Soomaaliyeed, iyadoona la xoojinaayo Aqrinta, Qoraalka iyo Manjah-ka Qaranka.















