Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye ku xigeenka guddiga Dabagalka iyo Qiimeynta Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, Mudane Faysal Caraale Afrax oo horkacayay kormeer ay ku tageen degmada Shibis, guddigaas ayaa guddoomiyay shirka guddiga iyo maamulka degmadaas.
Mudane Faysal Caraale ayaa sheegay inay wax walba oo maamulka degmada uu u sheegay guddiga ay dabagali doonan si ay usoo bandhigaan hadii ay u hogaan sameen siyaasada maamulka gobolka Banaadir kaga degsan hormarinta degmooyinka iyo deegaanada gobolka.
Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdullahi Aadan oo ka mida guddiga dabagalka iyo qiimeynta degmooyinka iyo deegannada Gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay kormeerka degmada Shibis ay ku tageen.
Ugu dambeyn, Kormeerka qiimeynta ah ee lagu sameynayo degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu eegayaa waxyaabo ay ka mid yihiin nadaafadda guud iyo bilicda degmada.













