WAR SAXAAFADEED: Khawaarij badan oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Jubbada Hoose

0
281

Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa si lixaad leh uga socda goobo farabadan oo dalka ka mid ah. Mid ka mid ah hawl-galladii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Xoogga Dalka Somalia oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah waxaa uu xalay ka dhacay deegaano hoostaga Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Hawlgalka oo dhacay saddex jeer oo kala duwan waxaa lagu beegsaday goob ay kooxaha Khawaarijta isku soo urursadeen. Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in ilaa 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgalkaasi.

Ugu dambeyn, Waxaa halkaaslagu burburiyay dhagarta Khawaarijta iyo qorshahoodii ahaa in ay dadka rayidka ah waxyeeleeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here