Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS oo si adag uga hadlay falkii ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde: SAWIRRO

0
236

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamanka federaalka Somalia, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad ee guddiga joogtada ah ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xubanaha guddiga joogta ah ee golaha shacabka oo ka dooday dhacadadii ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), ayaa waxaa uu guddoomiyaha guddiga gaadiidka, duulista, garoommada, dekedaha, tamarta iyo hawlaha guud ee golaha shacabka, xildhibaan Cabdullaahi Geel-qaad xubnaha guddiga uga warbixiyay dhacdadii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay shacab badan ku xayirnaayeen garoonka saacado badan sababo aan sharciga waafaqsaneen.

Xubanaha guddiga ayaa ugu horreyn wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadaas lagu dhibaateeyay shacabkii u safraayey gobolada dalka, waxa ayna xubanaha guddiga u yeereen wasiiradda gaadiidka duulista hawada iyo garoommada XFS, Fardowsa Cigaal si su’aalo looga weydiiyo waxa sababay in shacabka u safraya gobolada dalka lagu dhibaateeyo socdaalkooda, dadkaas oo ay ku jiraan, dad waayeel ah, caruur iyo dad xanuunsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here