Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in hawlgal ay fulisay oo ay qayb ka yihiin saaxiibvada caalamka oo ka dhacay deegaanka Beerta Faay Yuusuf oo u dhow tuulada Yimbis ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen tiro la badam 40 maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Qoraal ay soo saartay NISA ayaa lagu yiri: “Howlgalkan oo socday 24 saac oo xiriir ah ayaa waxyeello culus loogu gaystay ururka Argagixisada ah ee Al Shabaab oo halkaas ku dhuumaaleysanayay, waxa inta la hubo lagu dilay hawlgalkaas maleeshiyaad iyo tiradoodu gaarayso 45, iyada oo dhulka lala simay teendhooyin argagixisada hoy u ahaa; waxaana weli lagu raad-joogo firxadka qaar ka mid ah maleeshiyaadii ku sugnayd halkaas.”
Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu sheegay in Argagaxisada la weeraray ay wadeen qorshe weerarro ay doonayeen inay ku qaadaan deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose, laakiinse Sirdoonka NISA ay heleen xogta weerarkaas.
Bayaanka ayaa waxaa kaloo lagu yiri: “Dowladda Somalia oo shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah kaashanaysa waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado meel kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo ciidamada Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.”
Ugu dambeyn, Hawlgalkan dharbaaxada loogu geystay malleeshiyada Al Shabaab ayaa qayb ka noqonaya hawlgallo noociisa ah oo lagu beegsanayo Khawaarijta oo ku haya dhibaato badan dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.













