Agaasimaha xiriirka dibadda ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, mudane Maxamed Xasan ayaa la kulmay Bilge Kaan oo ah maamule ku-xigeenka bangiga Ziraat oo ah bangi caalami ah kii ugu horreeyay oo dhawaan laga hirgaliyay dalka Somalia xaruntiisuna ay ku taallo magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay sida maamulka Dowladda Hoose ee Muqdisho iyo Ziraat Bank ay isaga kaashan karaan maalgelinta mashaariicda muhiimka ah ee wax-tarka u leh caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, fududeynta adeegyada kala iibsiga iyo lacag is-dhaafsiga ay Dowladda Hoose ee Xamar uga baahan tahay magaalooyinka kale ee caalamka.
Ziraat Bank ayaa hormuud u noqonaya bangiyo caalami ah oo dhawaan ka hawl-geli doono dalkeenna Soomaaliya oo ku tilaabsanaya horumarro xagga dhaqaalaha ah deyn cafinta kaddib iyo ku biirista suuqa bulshada Bariga Afrika ee EAC.














