Shirka Wadatashiga Qaran oo galay Maalintii 3-aad iyadoo looga hadlayo Amniga dalka iyo Dagaalka Khawaarijta: SAWIRRO

0
326

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya shirka golaha wada-tashiga Qaranka oo maalintii 3-aad galay, kaasoo loogu hadlayo Amniga waddanka, dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo arrimaha dastuurka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galaya shirka, iyada oo wejiga hore ee shirka maanta warbixin loogu dhageysanayo la-taliyaha amniga Qaranka iyo wasiirka wasaaradda gaashaandhiga XFS, si ay madaxda golaha ugu warbixiyaan xaaladda amni ee dalka iyo qorshaha wadajirka ah ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarjta.

Ugu dambeyn, shirka waxaa ku sugan ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, mudane Saalax Axmed Jaamac, madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada, Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle, mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here