Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Cabdiqadir Axmed Maxamed (Cigale) ayaa ka war-bixiyay olole nadafadeed maanta laga sameeya degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid alaala iyo ciddii lagu arko iyadoo ka shaqeyneysa nadaafaddarrada Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Gudoomiyaha Dagmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, Aways Camuudi ayaa sheegay in ay maanta billaabeen ololaha loogu diyaar-garoobayo toddobaadka xoriyadda oo dgawaan dabaal-dagyadooda ay ka billaaban doonaan Muqdisho.
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Shangaani, Mudane Maxamed Aadan Afrax ayaa shacabka degmada Shangaani ugu baaqay in ay ka qeby qaataan maalmaha xorriyadda oo ku beegan 26-ka Juun.













