Guddoomiye Madaale oo dhagaxdhigay Jardiinka Arbaca Rukun ee Degmada Xamar-weyne: SAWIRRO + VIDEO

0
303

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay dib u casriyeynta Jardiinka Arbaca Rukun ee Degmada Xamarweyne oo ka mid ah goobaha qadiimiga ah ee ku yaalla Caasimadda.

Goobtan uu dhagax-dhigay Duqa Muqdisho, Mudane Madaale ayaa ah goob taariikhi ah oo dhismaheeda la hirgeliyay ka hor ku dhawaad qarni, goobtaas oo loogu tala-galay in ay isugu yimaadeen bulshada, si ay ugu qaataan waqtigooda la xariira nasiinada iyo wada-sheekeysiga.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa balan qaaday in Dowladda Hoose Xamar ay ka go’an tahay dib usoo nooleynta goobaha taariikhiga ee ka turjumaaya jiritaanka Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here