SAWIRO: Duqa Muqdisho oo Laamaha Amniga kala hadlay dhibaatadii loo geystay xulka Maamulka Koonfur-galbeed

0
258

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga G/Banaadir, si wax la isaga weydiiyo dhibaatadii shalay loo geystay cayaartoyda xulka kubadda cagta Koonfur Galbeed, kaddib markii dhagxaan lagu weeraray gaarigooda.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sidoo kale loogu hadlay sugida amniga xulalka ka qaybgalaya tartanka cayaaraha kubadda cagta maamul goboleedyada dalka, bad-qabka muwaaddiniinta u daawasho tago cayaaraha iyo in si guud xil la isaga saaro sugida amniga caasimadda, isla markaana aysan u soo laaban fal la mid ah kii shalay dhacay.

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Madaale ayaa sheegay in laamaha amniga uu waajib ka saaran yahay sugida amniga muwaadinka Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kale xusay in cayaaraha ay yihiin is-dhexgal bulsho, taageerayaashana looga baahan yahay in ay dhawraan anshaxa cayaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here