Kormeerro isla xisaabtan ah oo ka socda dhamaan Degmooyinka uu Gobolka Banaadir ka kooban yahay: MUUQAAL

0
424

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir, Mudane Faysal Carraale Afrax ayaa sheegay in dhamaan dagmooyinka Caasimadda uu ka billaaban doono isla-xisaabtan dhab ah, isagoo sheegay in natoojoyinka kasoo baxa kormeerrada mas’uuliyiinta hawshan u xilsaran ay sababi doonaan in lagu dallaco ama lagu waayo xilal.

Xoghayaha Guud ayaa shir ku saabsan la xisaabtanka degmooyinka caasimadda ka furay shalay degmada Xamarweyne, wax uuma sheegay in meel walba oo ka mid ah degmada laga koontarooli doono dhimacyada nadaafadda iyo waxba oo ku aaddan kaabayaasha bulshada, waxa uuna xusay in warbixinta oo muuqaal ah lala wadaagi doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Faysal Carraale ayaa daaha ka rogay in isla xisaabtanka uu ka dhici doono dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir, tanina ay qayb ka tahay hagaajinta hawlaha loo hayo bulshada ku nool Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here