Guddoomiye Yabooh oo Daahfuray Aqoon kororsi la Xiriira sare u Qaadidda Aqoonta iyo Xirfadda Dhallinyarada: SAWIRRO + VIDEO

0
105

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa daah-furay Aqoon kororsi ku aaddan sare u qaadida aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada ee hanaanka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee golayaasha deegaanka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in ujeedka tababarkan uu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga dhallinyarada ee arrimaha doorashooyinka si ay faham guud ugu qaataan xuquuqaha aasaasiga ah oo ay u leeyihiin ka qayb-qaadashada siyaasadda loo dhanyahay ee daadajinta dowlad-dhiska si ay codkooda ugu doortaan cida hogaamineysa.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Banaadir, mudane Cumar Cabdiraxmaan Macow (Cumar Faaruuq) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada gobolka Banaadir ay aad u soo dhaweynayaan in dalka uu aado doorasho qof iyo cod si ay codkooda u dhiibtaan isla markaana ay matalaad u helaan, isaga oo u mahadceliyay xafiiska xasilinta gobolka Banaadir ee soo qaban-qaabiyay tababarkan.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here