SAWIRO: Duqa Muqdisho oo Salaadda Ciidda kula Tukaday Dadweynaha Caasimadda Masjidka Jaamaca Shangani

0
298

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa qaar ka mid ah bulshada Caasimadda salaada ciidda carafo kula tukaday Masjidka Jaamaca ee degmada Shangaani.

Duqa Muqdisho oo farxada Ciidul Carafa la qaybsanaya shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxa uu Eebbe ugu baryay in uu ka aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo guteen, Isaga oo kula dardaarmay in ay isku naxriistaan lana gargaaro dadka danta yar.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed, ugu duceeyay in sanadkan midka xiga uu Rabbi ku gaarsiiyo, nabad, barwaaqo, caafimaad iyo midnimo. Isla markaana maalintan weyn ee Ciidda Carrafo ay ku qaataan farxad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here