Wararkii ugu dambeeyay ee heshiisyada ay kooxaha Yurub kula jiraan Cayaaryahannada ay doonayaan inay lasoo Wareegaan

0
169

Wargeysyada ka faallooda cayaaraha ee qaaradda Yurub ayaa qoray warbixinno kala duwan oo ku saabsan sida ay kooxaha Yurub u doonayaan inay isku xoojiyaan cayaaraha xagaaga soo socda, iyadoo koox walba ay doonayso inay hesho cayaaryahan ku habboon boosaska ay u aragto inay ku liidato.

Warbixinnada ay qoreen wargeysyada oo ahaa kuwo goos-goos ah ayaa u qornaa sidan;

Kooxda Barcelona ee ka dhisan daka Spain ayaa la furtay kooxda Arsenal ee Ingiriiska ka dhisan wadahadallo ay ku doonayso inay kula wareegto si furan cayaaryahanka khadka dhexe ka dheelka Thomas Partey oo 31 jir ah una dhashay dalka Ghana, kaasoo heshiiska uu kula joogo Arsenal uu ka dhammaanayo bartamaha bishan Juun – (Sun Sports).

Kooxda Liverpool oo Ingiriiska ka dhisan ayaa isku diyaarinaysa inay dalab rasmi ah ka gudbiso daafaca bidix ee u cayaaraha kooxda Bournemouth Milos Kerkez oo 21 jir ah, kaasoo hore u ogolaaday inuu kooxda ka tago, waxaana la sheegay in lagula wareegayo lacag gaaraysa 40 milyan oo Gini –  (GiveMeSport).

Weeraryahanka kooxda Ipswich iyo xulka Ingiriiska ee 21 jirrada Liam Delap oo 22-jir ah ayaa soo gabagabeeyay qaybtii ugu horreysay ee tijaabadii caafimaad ee uu ugu biirayay kooxda Chelsea, waxaana la sheegay in lagu iibsaday lacag gaaraysa 30 milyan oo Gini –  (Fabrizio Romano).

Kooxda Liverpool ee ka dhisan Ingiriiska ayaa ku guuldareysatay labo dalab oo ay ku doonayeen kubad-sameeyaha u dhashay dalka Jarmal ee u cayaara kooxda Bayer Leverkusen, Florian Wirtz oo 22-jir ah, waxaana laga yaabaa in beddelkiisa ay kooxdu kula wareegto labo ciyaaryahan oo u dhashay dalka Ingiriiska oo kala ah; Harvey Elliott oo 22-jir ah iyo Jarell Quansa oo isna 22-jir ah, lamase sheegin lacagaha ay ku doonayso inay kula wareegto  –  (Kicker via Mirror).

Kooxda Everton ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa xiiseyneysa inay lasoo wareegto cayaaryahanka khadka dhexe uga cayaara kooxda Brighton, Matt O’Riley oo 24-jir ah, laakiin hubo in Brighton ay iska iibin doonto xiddiga heerka caalami ee u dhashay dalka Denmark – (Sky Sports),

Tababarihii hore ee kooxaha kubadda cagta Napoli, Chelsea iyo Juventus – Maurizio Sarri oo 66-jir ah ayaa qarka u saaran inuu mar labaad tabaare u noqdo kooxda Lazio ee ka dhisan dalka Talyaaniga – (Fabrizio Romano).

Kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ee ka dhisan dalka Jarmalka ayaa ku doonaysa qiimo dhan 10-milyan oo lacagta Midowga Yurub ah EURO oo u dhiganta (8.43-milyan oo Gini) si ay heshiis ula saxiixato goolhayaha 31-jirka ah ee u dhashay Netherlands, Mark Flekken oo u cayaara kooxda Brentford – (Sky Germany).

Tababaraha Inter Milan, Simone Inzaghi oo 49-jir ah ayaa ugu dambayn go’aan ka gaari doona inuu aqbalo dalabka ah in uu noqdo tababaraha Al-Hilal oo ka dhisan dalka Sucuudiga iyo in kale, si uu u hogaamiyo kooxda heerka koowaad ee Sucuudiga oo bishan ka qayb-galaysa koobka kooxaha FIFA oo sanad walba la qabto. Inzaghi ayaa kooxdiisu waxay guul-darro weyn kala kulantay cayaartii kama dambeysta ahayd ee UCL oo ay la ciyaareen kooxda PSG ee Faransiiska ka dhisan, iyadoo looga adkaaday 5-0 oo noqonaysa markii ugu horreysay oo ay kooxdi ku qaaddo goolashan oo kale koobka horyaalka kooxaha Yurub – (Rudy Galetti).

Agaasimaha cayaaraha ee kooxda Barcelona, Deco ayaa sheegay in aysan raadin doonin weeraryahan cusub kaddib markii ay la xiriireen weeraryahanka u cayaara kooxda Sporting ee u dhashay dalka Sweden, Viktor Gyokeres oo 26-jir ah, kaasoo sidoo kale ay doonayaan kooxaha Arsenal iyo Manchester United –  (A Bola via Mirror).

Goolhayaha reer Jarmalka, Marc-Andre Ter Stegen oo 33-jir ah ayaa sheegay inuusan ka walwalsanayn booskiisa kooxda Barcelona ​​oo la sheegay in laga yaabo inuu buuxiyo goolhayaha u cayaaraha kooxda Espanyol ee dalka Spain ka dhisan, Joan Garcia oo 24-jir ah –  (Forbes).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here