Hoggaanka haweenka Soomaaliyed oo ay hor kacayso Wasiirka Wasaaradda Haweenka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maalintii shanaad Muqdisho ka wada ololaha wacyigelinta bulshada ee Garan-waaga ka soo saara guryihiin iyo xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso.
Wasiir Khadiija oo la hadashay Warbaahinya ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay iska soo dhex-saaran Garan-waaga, jaqaya dhiiga ummada Soomaaliyed islamarkaana haweenka ay ka go’an tahy in ay la shaqeyaan hay’adaha amniga.
“Innagoo ku jirna toddobaadkii Haweenka ee ololaha Garan-waa waan uga Mahadcelinayaa isku duubnidooda ay muujiyeen haweenka Soomaaliyeed” ayay tiri Wasiirad Khadiijo Diiriye.
Haweenka Soomaaliyeed oo maanta isugu yimid taalada dhagaxtuur ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay la shaqeyaan laamaha amniga islamarkana ay iska soo saaraan Garanwaaga ku dhax dhuumanaya bulshada dhexdeeda.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa oo ka hadlay ayaa haweenka Soomaaliyeed uga mahadceliyay isu soo baxooda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay iska soo dhex saaran khawaarijta ku dhex dhuumaleysaneyso, kadib markii ay ku soo jabeen dagaallada ay kula jiraan geesiyaasha xoogga dalka,iyo kuwa deegaanka.
”Haweenka Soomaaliyeed tiir iyo laf-dhabar baad u tihiin dowladnimada waana guuleysanaynaa Alle idankii” ayuu yiri wasiir Xagaa.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay dibad bax ka dhacay muqdisho ayaa faray shacabka gobolka Banaadir in ay iska soo saaraan Garanwaa oo bulshada dhexdeeda isku dayaya in falal amni darro ka sameeyo.













