Shirkii Golaha Wasiirrada XFS oo lagu Ansixiyay Dib-u-eegista Xeerka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha: SAWIRRO

0
380

Golaha Wasiirrada Xukuumada Federaalka Somalia oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa meelmariyay dib-u-eegista xeer-nidaamiyaha aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha iyo heshiis is-afgarad ee la xiriira iskaashiga siyaasadda oo ay wada gaareen Somalia iyo Norwey.

Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa warbixinno ku saabsan amniga dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, iyaga oo soo bandhigay warbixinno la xiriira halka uu marayo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta amniga dalka.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno la xiriira safarro shaqo oo ay ku tageen dalka dibeddiisa ka dhageystay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, kuwaas oo soo bandhigay guulihii ay xaqiijiyeen safarradooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here