Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo lagu Qabtay kulan loogu Mahad-celin Xildhibaannada Labada Aqal ee BFS: SAWIRRO

0
239

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Munaasabad Afur Mahadnaq ah ugu sameeyay xubnaha Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku guuleystay Ansixinta afarta cutub ee ugu horeeya dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa khudbad uu kulanka ka jeesiyay ku soo bandhigay sida ay ugu faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed qabyo-tirka dastuurka, waxa uuna sheegay in baarlamaanka 11-aad uu ku guuleystay tallaabooyin wax ku ool ah, taasoo mudan ammaan iyo boggaadin.

Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in la joogo xiligii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen horumarka dalkooda, isla markaana aan aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay ciddii tabasho qabta in ay dhageysto, balse aan la aqbali karin in la is-hortaago go’aamada ay gaarayaan hey’adaha dastuuriga ah. Isaga oo tallaabo billow ah oo guul u ah dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay qodobada la meelmariyey, waxuuna ugu baaqay Xildhibaannada in ay dhammeystiraan kuwa haray, si dalku u yeesho dastuur buuxa.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa halkaasi ka jeediyay ayaa tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin shacabka caasimaddu qabyo-tirka Dastuurka, waxa uuna sheegay in bulshada Gobolka Banaadir ay ka rajaynayaan Xildhibaannada Labada Aqal Ansixinta Maqaamka iyo Matalaada Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here