Afhayeenka Booliiska oo ka Warbixiyay Gantaallo khasaare nafeed geystay oo ku dhacay degmada Waaberi

0
336

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanlle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in khsaare nafeed ay geysteen hoobiyeyaal macmal ah oo ay khawaarijtu ku soo tuureen xaafado ka mid ah Caasimadda.

Hoobiyeyaashan ayuu afhayeenku sheegay in laga sio tuuray dulleedka Caasimadda ay waxyeello kasoo gaartay qoys ku noolaa degmada Waaberi, waxaana ku geeriyooday saddex qof oo uu ku jiro aabbaha qoyska, halka laba kale oo ay hooyada reerka ku jirtana uu dhaawac kasoo gaaray.

“Maanta abbaare 05:00 aroornimo, ayaa kooxda Khawaarijta ah oo caadeysatay dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed, waxay gantaallo macmal ah oo ay soo tuureen ku dhaceen guryo dad shacab ah ay deggenaayeen oo ku yaalla degmada Waaberi. Falkaas argagixsadu sameysay waxaa ku dhintay aabbe iyo laba carruur ah oo uu dhalay, waxaana ku dhaawacmay hooyadii qoyska iyo laba carruur ah, waxaa ilaahay u waydiinaynaa inuu u naxariisto dadkii ku geeriyooday, kuwii dhaawacyadu ay soo gaareenna uu caafiyo,” ayuu yiri Col. Doodishe.

Ugu dambeyn, Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in ciidanka amaanku ay gacanta kusoo dhigeen eedeysane la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa duqeyntaas ayna socoto baaris arrintaas la xariirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here