Guddoomiye Amiir oo Guddoonsiiyay Koob Koox ku cayaaraysay Magaca Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
34

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa garoonka Eng Yariisow ee degmada Cabdicasiis kusoo xiray tartanka kubadda cagta ee isdhaxgalka dhallinyarada gudaha dalka iydibadda, kaas oo sanad kaste lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Xiritaanka tartankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed, taliyaha qaybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed, la-taliyaha madaxweynaha JFS iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Maxamed Amiir ayaa koobka tartankan gudoonsiiyay kooxda kubadda cagta ee degmada Kaaraan oo 1-0 uga adkaatay ciyaartoyda kooxda kubadda cagta UK Star, iyadoo guddoomiye Amiir uu ku tilmaamay in ciyaaraha ay kaalin weyn ku leeyihiin is-dhaxgalka bulshada iyo horumarinta nabadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here