Guddoomiye Yabooh iyo mas’uuliyiin kala duwan oo booqday Waaxyaha Degmada Yaaqshiid: MUUQAAL

0
537

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa booqday waaxyaha ay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Booqasho hawleeddan, ayaa waxay salka ku haysay dabagalka shaqooyinka loo qabto bulshooyinka ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana loo xilsaaray guddi gaar ah inay xaqjiijiyaan inay degmooyinka dadka ku nool helaan adeegyada ay maamullada degmooyinkooda uga baahan yihiin.

Guddoomiye Yabooh oo hadal jeediyay ayaa yiri: “Khawaarijta waqtigoodii wuu dhamaaday, inta harsanna waxaa lagu ciribtiri karaa in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’addaha amniga, maamullada ka jira degmooyinka iyo bulshada Caasimadda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here