Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in wadar ahaan toddoba saldhig ay wareejiyeen kuwaas oo loo qoondeeyay in lawareejiyo si ay u suurtagasho dhimista 2000 oo askari.
Ergayga ayaa sheegay in saldhigyadda ay banneeyeen ay kala yihiin: Xaaji Cali, Miir-tugo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera 1 iyo Marka Ayuub, kuwaas oo uu xusay inay dhammaantood ku wareejiyeen ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF).
Sidoo kale, Saldhig ku yaalla deegaanka Gerille oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Jubbaland ayaa waxaa mas’uul ka ahaa Ciidamaka Kenya ee qaybta ka ah ATMIS, halka saldhiga Aljazeera 1 oo ku yaalla duleedka caasimadda dalka ee Muqdisho ay mas’uul ka ahaayeen Ciidanka Ugandha ee qaybta ka ah ATMIS.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ay ciidanka ka socda Midowga Afrika ku wareejinayaan saldhigyada ay kaga sugnaayeen qaar ka mid ah gobollada dalka, ayaa qayb ka ah qorshe la doonayo in ciidamada ATMIS ay dhammaantood uga baxaan dalka.













