Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qayb ka ah kulan looga hadlayay wada-hadallada nabadda ee South Sudan oo ka socda madaxtooyada Dalka Kenya, taas oo uu garwadeyn ka yahay madaxwaynaha Kenya, Dr. William Samoei Ruto.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in hannaan nabadeed oo loo dhan yahay uu xal-waara u noqon karo xasilloonida South Sudan, taas oo haddii ay sii socoto saameyn ku yeelan karta nabadda guud ee dalalka geeska afrika.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa bogaadiyay dadaallada socda ee lagu soo afjaro colaadda Koonfurta Suudaan, waxuuna dhinacyada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaa xasilloonida dalka, wixii colaad ahna lagu dhammeeyo wada-hadal.















