SAWIRRO: Ra’iisul Wasaare Xamse oo tallaabo muhiim ab ku tilmaamay dib u hawlgelinta Laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo

0
245

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay dib-u-howlgelinta laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo tallaabo muhiim ah oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo in bulshada loo dhaweeyo adeegyada dowladda.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa kala wareegay dowlad goboleedka Jubaland xaruntii uu ku lahaa degmada Kismaayo, si dayactir iyo dib-u-howlgelin loogu sameeyo, loona soo gaarsiiyo adeegyada uu bixiyo Bangiga Dhexe deegaannada Jubaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku ammaanay bangiga dhexe ee Soomaaliya dib-u-howlgelinta xarumihii uu ku lahaa dalka, si adeegyada uu bangigu bixiyo loogu soo dhaweeyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada, taas oo muujineysa in hey’adaha dowladdu ay soo xoogeysanayaan.

Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here