Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia oo Meel-mariyay heshiis ay kala saxiixdeen Somalia iyo Turkiga

0
344

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiska ay golaha wasiirrada XFS maanta ansixiyeen, kaas oo ay wada-galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, waxa uuna heshiiskan ku saabsan yahay iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Kulanka oo ay fadhiyeen 216 xildhibaan waxaa heshiiska ogolaaday 213 mudane oo ka mid ah labada Aqal ee baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa diiday saddex mudane sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Ugu dambeyn, Heshiiskan waxa uu salka ku hayaa difaaca badda iyo barriga dalka Soomaaliya, gaar ahaan argagaxisada, burcadbadeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo in baddeenna lagu shubo sun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here