Guddoonka golaha shacabka BJFS ayaa shahaado Sharaf guddoonsiiyay Guddoomiyihii guddiga Amniga Doorashooyinka ahna Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS qeybta 1-aad Gen. Keith Katungi, taas oo ay ku muteysteen sidii wanaagsaneyd oo ay isaga xilsaareen in si nabad galyo ah ku qabsoonto doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.














