Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir ahna Gudoomiyaha Guddiga Dabagalka iyo Qiimeynta Degmooyinka iyo Deeganada Gobolka, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubnaha guddigaas ayaa shir isla xisaabtan ah oo ka dhacay xarunta Degmada Hodan kula qaatay Maamulka Degmada Hodan.
Guddoomiye Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kulanka furay ayaa sheegay in degmada Hodan ay tahay degmadii 8-aad ee guddigan uu booqdo, sababtuna ay tahay in lala socdo ay tahay hawlaha shacabka degmooyinka kala duwan ee caasimadda.
Sidoo kale, Guddoomiye Yabooh ayaa ugu baaqay maamulka degmada Hodan inay shacabka degmada ugu shaqeeyaan sida ugu habboon ee ay tahay in dadka loogu adeego, waxa uuna ka digay inay dhacdo sidii dhawaan dhacday oo aan laga tagin hannaanka dowladnimo.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga dava-galka iyo qiimeynta ayaa cabashooyin ka dhageystay shacab u joogay xarunta degmada Hodan adeeg ay ku qaadanayeen warqadaha dhalashada iyo sugnaanta oo shacabka ku nool afar drgmo oo Caasimadda ku yaalla ay ka qaataan warqadahan.















