Kooxda Barcelona oo dhawaan loosoo bandhigay inau qandaraas la saxiixato xiddigga reer Brazil ee hadda u cayaara kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar, ayaa wararku sheegayaan inay gashaanka ku dhufatay oo ay iska diidday.
Go’aanka Neymar uu dib ugu laabanayo garoonka Camp Nou ayaa Barcelona uga dhignaan lahayd inay weerarkeeda kusoo xoojisay cayaaryahankan saamayn leh.
Kooxda PSG ee Faransiiska, ayaan waxaa la sheegay inay laba jeer damacday inay iska iibiso, balse taas ma dhicin, waxayna u muuqataa in kooxdu ay ka maarantay cayaaryahankan garabka ka cayaara.
Wargeyska Mundo Deportivo ayaa qoray in wakiillada Neymar JR ay heshsiiskan u soo bandhigeen Barcelona xagaagan, balse kooxda ayaa diidday kaddib khilaad aad u xooggan oo labada dhinac dhex-maray dhinaca sharciga ah oo dhex maray markii ay kala tageen sanadkii 2017-kii.
Dhanka kale, sababta ugu weyn oo Barca u diideen heshiis ay la saxiixdaan Neymar Jr ayaa ah inay ka baqeen inuu wasaqeeyo qolka labiska kooxda.
Marka laga yimaado inay ka ciyaaryahan ahaan u soo wada ciyaareen, Xavi ayaa aaminsan in hab-dhaqanka Neymar uusan safkiisa da’yarta u badan u fiicnayn.
Ugu dambeyn, Kooxda PSG inay tababare Luis Enrique magacowday oo waqti dahabi ah uu Barcelona kula soo qaatay Neymar ayaa kor u qaadaysa fursadda uu 31 sano jirkan Parc des Princes u sii joogo.













