SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha BFS oo booqday dhaawacyadii Weerarkii Hotel SYL oo lagu dabiibayo Digfeer

0
237

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay weerarkii Khawaarijta arxanka daran ee ka dhacay hotelka SYL.

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dhaawacyadan ayaa Alle u weydiiyay inuu caafimaad degdeg ah siiyo, isaga oo sidoo kale kormeer ku tagay xarunta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA, halkaas oo uu ku dhageystay warbixinno hordhac ah oo ku saabsan weerarkii argagixiso ee hotel SYL.

Booqashadan, waxaa madaxweynaha dalka ku wehliyay taliyaha ciidanka booliiska, Jen. Sulub Axmed Fidhin, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa isagana waxa uu mid-mid u dul-istaagay dhaawacyadda, waxa uuna Allah uga baryay inuu caafimaad deg-geg ah siiyo, Guddoomiyaha ayaa xusay in dhaawacyada aadka u daran loo qaadi doono dalka dibaddiisa si loogu soo dabiibo.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa waxa ay booliisku sheegeen inay ku dhinteen saddex askari, halka 27 qof oo ay askar ku jirtana ki dhaawacmeen, waxaana la dilay dhammaan xubnihii Khawaarijta ee ka dambeeyay, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay shan ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here