Duqa Caasimadda oo ka Qayb-galay Munaasabad lagu soo Bandhigayay Adeegyo Caadimaad oo Muhiin ah: SAWIRRO

0
384

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabad uu isbitaalka Redsea kusoo bandhigayay adeegyo cusub oo casri ah oo wax lagaga qabanaayo dhibaatooyinka iyo xanuunada ku dhaca Wadnaha.

Munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Caraale Afrax, xildhibaanno ka tirsan BFS, dhakhaatiir ku taqasusay cudurrada asiiba wadnaha iyo bahweynta caafimaadka.

Duqa Muqdisho ayaa maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka Redsea ku ammaanay qalabka casriga ah ee ay soo kordhiyeen, isaga bahda caafimaadka ugu baaqay in lagu dhiirrado maal-gelinta dhinaca caafimaadka si looga maarmo baahida sababta in dadka Soomaaliyeed ay adeegyo caadimaad u doontaan dalka dibaddiisa.

Munaasabadan ayaa habeenkiii xalay ahaa  lagu qabtay Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdiaho, waxaana laga jeediyay khudbado kala duwan oo dhammaantood taabanayay caafimaadka wadnaha iyo baahida loo qabay in qalabkan la keeno dalkeenna, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay qaarkood la dhibban yihiin xannuunnada haleela wadnaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here