Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayeen agaasimaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr Guuleed Cabdijaliil Sheekh Cali iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda, Mr Axmed Yuusuf Cabdulle.
Xafladda oo ka dhacday xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XF Soomaaliya, Dr Cali Xaaj Aadan, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada XFS, Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryan Maxamed Xuseen, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Golaha Baarlamaanka, Agaasimayaal, xubno sare oo ka socday Xafiisyada kala duwan ee Dowladda iyo dhamaan agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqaalaha Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS, Dr Cali Xaaji Aadan ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Axmed Yuusuf Cabdulle iyo Agaasimaha cusub, Dr Guuleed Cabdijaliil Sh. Cali
Ugu dambeyn, Munaasabadda oo ay ka hadleen Madaxada Wasaaradda iyo Mas’uuliyiinta kale ee kasoo qayb-gashay ayaa laga soo jeediyay khudbado wax ku ool ah oo si gaara ugu hadlaya hawlaha agaasinka Wasaaradda Caafimaadka iyada oo la bogaadiyay hawlihii uu soo qabtay Agaasimihii hore ee Wasaaradda, sidoo kale waxaa si diiran loosoo dhaweeyay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda iyadoo loo soo jeediyay Agaasimaha cusub dardaaran ku aaddan hawlaha horyaalla ee loo igmaday.

















































