Duqa Muqdisho oo dhagaystay warbixin ku saabsan qiimaynta qasaaraha gaaray Suuq Bacaad.

0
205

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddi ka socday ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii 5-tii bishan ka kacay Suuq-Bacaad.

Kulanka uu guddoomiyuhu la yeeshay wakiillada ganacsatada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyrre.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta khasaaraha ka dhashay dabkaasi iyo qorshaha gurmadka loo fidinayo dadkii hantidooda ku waayay.

Guddiga ganacsatada ee Suuq-Bacaad ayaa warbixin ku sheegay in dabka uu baabi’iyay 265 goobood oo ganacsi, islamarkaana khasaaraha hantiyadeed uu gaarayo $3,400,000 (Saddex Milyan iyo Afar Boqol Kun oo Doollar), iyadoo sidoo kale uu saameeyay 1,500 qoys.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa ballan qaaday in Dowladda Hoose ee Xamar ay si’ buuxda u taageeri doonto ganacsatada musiibadu gaartay, islamarkaana dhawaan la magacaabi doono guddi wadajir ah; oo ka kooban labada dhinac, si’ loo dardar-geliyo gurmadka iyo kabashada. Dr. Muungaab ayaa mar kale uga tacsiyeeyay ganacsatada khasaaraha gaaray.

Ganacsatada ayaa uga mahadceliyay Duqa Muqdisho taageerada, garab-istaagga iyo go’aanka lagu xaqiijinayo in suuqa Suuq-Bacaad uu sii ahaado aag ganacsi, balse lagu sameeyo dib-u-habeyn, loona furo waddooyin, si’ loo yareeyo ama loo xadido haddii berri-ka-maalin ay dhacdo musiibo la mid ah midda dhawaan dhacday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here