Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Somalia, Mudane Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee Wasaaradda , Mudane Biixi iimaan Cige, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda oo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia mudane Xamze Cabdi Barre.
Xafladda waxaa kaloo ka qayb-galay xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamanka, hawlwadeenada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Mudane Yuusuf Xasan Isaaq oo billowga hadalka qaatay ayaa soo dhaweeyay dhammaan mas’uuliyiinta iyo marti sharfta kale ee ka soo qaybgashay munaasabadda xil-wareejinta, waxa uuna wasiirka cusub ee wasaaradda ugu hambalyeeyay xilka loo magcaabay, isaga oo Illaah uga baryay in xilka culus ee loo dhiibay uu la garab-galo.
Wasiirkii hore ee wasaaraddda Shaqada, Mudane Biixi iimaan Cige ayaa sheegay in muddadii uu joogay xafiiska uu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa hawlaha wasaaradda, waxa uu soo hadal-qaaday in la hirgeliyay shuruuc dhawr ah oo dalka muhiim u ah, kuwa kalana la ansixiyay. Waxa uu hadalkiisa ku daray in uu wasiirka cusub kala shaqeyn doono sidii horey loogu wadi lahaa shaqooyinka wasaaradda.
“Sharaf ayay ii tahay inaan qayb ka ahaado taariikhda wasaaraddan,” ayuu yiri wasiirkii hore Biixi iimaan oo inta ku daray. “Mudadii aan hoggaaminayay wasaaraddan waxaan ku dadaalay in aan dhiso hay’ad gudan karta waajibaadka Qaranku u idmaday. ”
Dhanka kale, Wasiirka xilka la wareegay Dr Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa sheegay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay lafdhabar u tahay horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta wasaaradda.
“Waxa aan dadaal ku bixinaynaa sidii horay aan ugu sii wadi lahayn wasaaraddan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed, waqtiga aan haysanno waxa aan xoogga saari doonnaa dardar-galinta hawlaha wasaaradda,” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada, Dr.Maxamed Cilmi Ibraahim.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Mudane Xamse Cabdi Bare ayaa sheegay inuu bogaadinayo shaqooyinkii uu soo qabtay wasiirkii hore, isaga oo wasiirka cusub ugu hambalyeeyay wajibaadka Qaran ee uu bulshada u qaaday, sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in wasaarada ay dardar-geliso nidaamka dib u habeynta loogu sameynayo shaqaalaha dowladda.














